Dhusamareeb, Galgadud, Galmudug, Somalia, December, 30, 2025
Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Waqooyi Bari oo Gaadhay Dhuusamareeb
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Jen. Cabdi Xasan Maxamed Hajar, ayaa maanta ka mid ahaa weftiga Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdikaadir Axmed Aw Cali, oo safar ku yimid Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Safarkan ayaa ujeedkiisu ahaa ka qaybgalka Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, oo sannadkan ay martigelisay Dawladda Galmudug.
Madaxweynaha Dawladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, iyo masuuliyiin kale ayaa si diiran u soo dhoweeyay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari iyo weftigiisa.