Ministry of Energy and Water Resources Sun, July 5 2026

NE's MoEWR at Heritage Forum, 2026

Dhuusamareeb, Galgadud, Galmudug, Somalia, January, 1, 2026



Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowladda Waqooyi Bari, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐› kaga qayb galay Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Fakar-Isweydaarsiga, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarka, siyaasadda iyo mustaqbalka Soomaaliya.


Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hayโ€™adda

๐‡๐ž๐ซ๐ข๐ญ๐š๐ ๐ž, ayaa isugu yimid masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, aqoonyahanno, iyo daneeyayaal kale, kuwaas oo ka wada dooday xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada aasaasiga ah, iyo fursadaha iskaashi ee dalka.


Wasiirku waxa uu shirka ka jeediyey hadal ku saabsan doorka tamarta iyo khayraadka biyaha ee horumarka waara, isaga oo adkeeyay muhiimadda iskaashi, qorsheyn fog, iyo maamul hufan si loo xaqiijiyo horumar loo wada dhan yahay.


Wasaaradda waxa mar walba ka goโ€™an ka qaybgalka madal kasta oo lagu xoojinayo wada-tashiga iyo horumarka Waqooyi Bari iyo midda Qaranka Soomaaliyeedba.