Ministry of Energy and Water Resources Sun, July 5 2026

NDC3 & MoEWR NE, 2026

Laascaanood, Sool, NE, Somalia, January, 24, 2026



𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡: 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐡𝐚𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 #𝐍𝐃𝐂3


Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya 𝐃𝐅𝐒,iyadoo kaashanaysa Maamul-goboleedka Waqooyi Bari, waxay magaalada Laascaanood ku qabatay kulan aqoon-isweydaarsi kana soo qayb galeen aqoon yahano, masuuliyiin iyadoo looga hadlayo qiimeynta iyo xoojinta maamul-waqooyi bari ee hirgelinta Qorshaha Qaranka Isbeddelka Cimilada (#𝐍𝐃𝐂𝟑).


Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee DFS, waxaa qayb-gal weyn ka qaatay 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐡𝐚𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 (𝐗𝐢𝐣𝐚𝐚𝐫)


( 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐭𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 &𝐤𝐡𝐚𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚): Isbeddelka cimiladu waa halgan u baahan cudud midaysan. Waxaan soo dhoweynaynaa iskaashi kasta oo naga caawinaya inaan dhisno deegaan adkaysi u leh saamaynta cimilada."